Top Secret Tape – Jen. Morgan “Waa Dagaal Daarood iyo Hawiye” – New Documentary Film

DAAWO VIDEO CUSUB  - 20 Sano ayaa ka soo wareegtay Dacdadaan hada aad Daawaneysaan, waxaana moodaa in ay isku xiranyihiin arinta Maantay taagan. Shalay Morgan iyo Gabyoow, maantay Gaandi iyo Faroole.

Sheegidda ama sheegashada Magac Qabiil wax dhibaal ma laha oo waa soo jireen kamid ah hiddaha iyo dhaqanka ummadda. Hase ahaatee waxaa Xadgudub ah in Qabiilnimo lagu dhaarto oo magac Qabiil wax lagu bi’iyo-qaab kastaba haku yimaadee.

Sidoo kale, waxaan ogsoonahay inuusan jirin Qabiil wada fiican ama mid wada xun ee waxaa jira siyaasiin ficil xun oo Qabiilnimada ku ugaarata, bulshadana kala fogeeya.

In yar oo fara-ku-tiris ah mooyee, middooda ayeyna ka hormariyaan danta guud ee Bulshada.

Haddii Kumayaal Dhimanayaan, haddii Kumayaal Cayrtoobayaan, haddii Kumayaal Barakacaayaan, haddii Kumayaal Aabaar u le’anayaan, ama Qaranka gunno yar shisheeye laga siisto waayo ummadduna waxay u tahay Jaranjaro ay ku miragurtaan.

Maanta ka hor, Soomaaliya sooma marin dagaal deegaan oo weliba lasoo adeegsaday taakulayn shisheeye iyo dhaqaale ay bixinayaan shirkado ajnabi ah oo Shidaal Doon ah. Waa dagaal deegaan; dagaal deegaanna waa dabadheeraadaa.

Waxa yar oo Daqaalaha ah ee ey bixiyaan Shirkadaha Fransiiska iyo Norway ama taakuleynta Xabashiyeed iyo tan Kenya waa olole socon doona muddo gaaban oo loo adeegsanayo Mr. Gaandhi. Khatarta Al-shabaab dalka ku haysana waa sii kobci doontaa. 

Dab in la shido Soomaali Maantay uma bahna ee waxaa lo bahanyahay in la damiyo kann baxaya. Waxaa loo bahanyahay in loo gurmado oo loo gargaaro Malaayiinta ku solontay Xeryaha: Xagadheer, Dhadhaab, iyo Ceelasha Biyaha. 

Looma bahna in la sii barakiciyo malaayiin kaleSoomaaliyeey ka fiirsada oo u Fiirsada kuwa falkaas ku Naaxay. Ka Fiirsada: Jaga doon, jeeb doon iyo Jaajuus Shisheeye.

Source: Keydmedia.net

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s