Muqdisho iyo muuqaalka guud ee Wadooyinka (Daawo isbedelka jira iyo dhaq-dhaqaaqa soconaya).

January, 11, 2012 –   - Magalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia waxay waqtiyo hore ahayd meel aad u qurux badan oo leh wadooyin qiimo leh oo ay dadka Soomaaliyeed iyo dadweynaha Caalamka ee magaladan imaan jirayba si isku mid ah u xiisayn jireen.

Hase ahaatee markii uu dalku galay burburka iyo dagaalada oo ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee maamuleysa guud ahaan dalka oo iyadu ahayd mida dhalinaysay inay magaladu qurux badnaato ayaa waxaa la galay jawi aad u murugo badan oo dadka iyo dalka Soomaaliyeedba si isku mid ah  u saameeyay. Waxaana burbur iyo baaba’ uu ku yimid dhamaan wixii hagaajinayay oo kor u qaadayay billicdii magalada oo ay Wadooyinka iyo dhismooyinka quruxda badan ee ay magaaladu caanka ku ahayd ay ka mid yihiin.

Hadaba illaa waqtigaas waxay magaaladu hoy u noqotay burburka aynu sheegnay, waxaana ay Wadooyinkii waaweynaa ee ay Gaadiidku isku dhaaf-dhaafi jireen isku badaleen kuwo ay godad boholo dhaadheer ahi ka qodmeen oo aanay jirin wax gaadiid ah oo isticmaalaya marka laga reebo tiro aad u yar oo gaadiidka dadweynaha ah, halka waqtiyadii ay magaladu dhisnaydna si isdaba joog ah ay tiro aad u badan oo Gaadiid ahi u marayeen si nidaamsan oo kala soocanna ay gaadiidku u kala isticmaali jireen Wadooyinka.

Magaladdu iyadoo hadlaysa waxay mar tiri ( Muqdishaan ahayoo, dal magaalada madaxdii, waxaan ahay muraayadoo, magaceygu waa caan. Inkastooy ma yeeraan, maras iyo caruurtii, madaafiic ku laayeen).

Qormadan waxaan ugu talla galnay inaan kusoo bandhigno xaaladda guud ee  magalada Muqdisho oo aan si gaar ahna ugaga hadli doonno Wadooyinka magalada iyo sida ay iminka yihiin.

Marka aynu Wadooyinka soo qaadanayno waxaynu uga dan leenahay in maglaadu ay maantay tahay mid ku jirta amaba galaysa jawi ka yara duwan kii ay kusoo jirtay Sanadihii 20-ka sano ka badnaa ee lasoo dhaafay oo uu burburku jiray.

Iyadoo sidaas ay magaladda iyo dalkuba ugu jireen burbur kasoo bilowday dagaalkii sokeeye ee dhamaadkii qarnigii tagay ka bilowday Somalia ayaa hadana waxaa Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay lagu tilmaamaa inay ahaayeen Sanadihii ugu murugada badnaa ee soo mara dalka gaar ahaanna Muqdisho, waayo magaaladu waxay xarun u ahayd dagaalo aan abid horay loo arag oo sababay inay dhamaan dadweynaha iyo gaadiidka magalada ku sugani isku jiidhjiidhaan oo ay isku ciriiriyaan Waddo qarda-jeex ah oo Xaafadaha dhex maraysa si la isaga kala gudbo labo dacal oo ay magalada Muqdisho u qabysantay, kuwaas oo ay kaga kala sugnaayeen Ciidamada dowladda Somalia iyo inta raacsan, iyo sidoo kale Maliishiyaadka Alshabab ee iyagu diidanaa dowaldda iyo jiritaankeeda dagaal adagna kaga horjeeday.

Jid kaliya oo loo bixiyay (FARJANO) ayeey dadka Muqdisho isku riix-riixayeen marka ay isaga kala gudbayaan dhinaca dowladdu ay kaga sugantahay maglaada iyo dhinaca kale ee ay Alshababku ka taliyaan. Waxaana halkaas lagu waayay dhamaan wadooyinkii waa weynaa ee ay magaaladu caanka ku ahayd sida MAKKA-ALMUKARAMA, DEBKA, WADNAHA, WARSHADAHA, iyo kuwo kale oo dagaaladu ay xireen.

Balse markii Ciidamada Xooga dalka Somalia iyo Xoogaga kale ee Afrikaanka ah ee howlgalka AMISOM matalaya ay isku fidiyeen guud ahaan magalada, halkaasna ka saareen Maliishiyaadkii Alshabab ee ka horjeeday ayaa waxay dib Muqdisho u heshay Wadooyinkeedii waa-weynaa haba iska ahaadeen kuwo burburay oo billic beelaye.

Marka dadka Soomaaliyeed ay helaan nafis yar oo ay ku noolaan karanaa iyagoo nabad ah oo aanu dagaal iyo xabado korkooda ku dhacayen waxaa lagu yaqaanaa inay u dhaqaaqaan dib u dhis iyo wax qabsi. Waana taasaa mida iminka lagu arkayo Wadooyinka Muqdisho ee furmay oo guriyo qurxoon iyo goobo kale oo billic san ay ka dhismayaan.

Goobihii uu saameeyay burburkii ka dhacay magalada Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la arkayaa iyagoo si dag dag ah dib ugu dhismaya, waxaanaba la arkayaa qaab kasii qurxoon kana horumarsan qaabkii ay deegaanadaas iyo goobahaas inta aanu qaxa iyo dagaalka lagu kala haaday ee magalada ka dhacay Saddexdan Sano bilaaban qaab ka duwan.

Si aan wax badan usoo bandhigno ayaan u dhaqaaqnay inaan soo diyaarino qormadan oo xambaarsan Sawiro fara badan, waxayna qormadu soo bandhigi doontaa dhismooyinka iyo dayactirada Wadooyinka magalada iyo hareerahooda guryaha ku yaala lagu samaynayo iyo goobaha ganacsi ee ka furmay halkaas iyo sidoo kale Gaadiidka iyo dadka faraha badan ee is-dhaaf dhaafaya Wadooyinka.

Intaas waxaa sii dheer oo ay iyaduna qormadu soo gudbin doontaa howlo xoog badan oo ay Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaano ka wadaan Wadooyinka magalada. Runtiina marka aad aragto howlaha iminka soconaya ee Taraafikada waxaad ogaanaysaa in isbedel aad u wayn ay magaladu gashay oo gaadiidleyda iyo Ciidamada Taraafikadaba si isku mid ah ay u wada shaqaynayaan nidaamkii isticmaalka Wadooyinkana uu si hagaagsan dib ugu soo noolaanayo ka dib 20-sano oo sharci daro ah oo ay dadku soo mareen.

Halka hoose waxaad ka arkaysaa dhowr Sawiro oo ah Guryo laga dhisay Wadooyinka Muqdisho iyo sida ay Gaadiidka isku dhaaf-dhaafayaan Wadooyinka, waxaana sawirada aad ka garan doontaan goobaha laga soo qaaday iyo howlaha soconaya.

Halkan ka daawo waxsoo saarki Warshadihi Somalia xiligi bari samaadki iyo hada meesha uu wadanku marayo

DIB U DHIS KA SOCDA JIDKA MAKKA ALMUKARAMA

DIB U DHIS KA SOCDA JIDKA MAKKA ALMUKARAMA

AARGADII KM4 OO AAD LOO QORXIYAY DHAWAAN

AARGADII KM4 OO AAD LOO QORXIYAY DHAWAAN

GAADIIDKA DADWEYNAHA OO AAD U BUUXA

GAADIIDKA DADWEYNAHA OO AAD U BUUXA

HOTELKII JIDDAH EE SIINAY OO DIB LOO DHISAY

HOTELKII JIDDAH EE SIINAY OO DIB LOO DHISAY

HOWLO DIB U DHIS AH OO KA SOCONAYA WADOOYINKA MUQDISHO IYO GURYAHA HAREERAHOODA KU YAALA

HOWLO DIB U DHIS AH OO KA SOCONAYA WADOOYINKA MUQDISHO IYO GURYAHA HAREERAHOODA KU YAALA

HOW-WADAAG OO AY GAADIIDKU IS DHAAF-DHAAFAYAAN

HOW-WADAAG OO AY GAADIIDKU IS DHAAF-DHAAFAYAAN

HOW-WADAAG OO AY GAADIIDKU IS DHAAF-DHAAFAYAAN

ISGOOYSKA FLORENCE EE XARARYAALE OO DHAQ-DHAQAAQIISU UU DIB U XOOGEYSTAY

ISGOOYSKA SIINAAY

ISGOOYSKA SIINAAY

Hadaba waxaa kale oo aan iyaguna dhexda ka galnay si aan wax badan uga ogaano howlaha ay hayaan Ciidamada Taraafikada oo maalmahanba si aad ah u shaqaynaya. Markii aan tagnay dhowr Isgooys iyo dhowr Waddo oo magalada ku yaala oo aan kula soo hadalnay Saraakiisha Taraafikada ee shaqaynaysa Muqaalka guud ee howshoodan aan soo sawirnay ayaa waxaan markii dambe Isgooyska KM4 ee Muqdisho kula kulnay howshii ugu cusleed ee Taraafikada oo maantay halkaas ka soconaysa.

Taliyaha guud ee Ciidamada Wadooyinka Muqdisho ee Taraafikada Col. Cali Xirsi (Cali Gaab) ayaa isaga qudhiisa howsha ka waday Isgooyska KM4, wuxuuna sitta Jeebadda dadka dambiyada gala lagu xiro oo uu ku xirayay cid kasta oo Gaadiidleyda ka mid ah oo khalad ka gasha shuruucda iminka loo dajiyay isticmaalka Wadooyinka.

Askar fara badan oo kuwa Taraafikada ah ayaa iyaguna la socday Taliye Cali Gaab, waxaana intii aan goobta ku sugnaa arkayay dhowr ka mid ah Darawalada oo uu taliyuhu ku amrayay in la xidho markii la arkay iyagoo si khaldan Wadada uga gooshaya.

Waxaan la sheekeestay Taliye Cali Gaab oo isagoo aad u mashquulsan inaga ogolaaday inuu la hadlo Shabakadan QOL si aan wax uga waydiino howlaha ay Ciidamadiisu wadaan, wuxuuna inoo sheegay inay aad iminka u fulinayaan shuruuc cusub oo loogu tala galay hagaajinta nidaamka iyo sharciga Wadooyinka.

“Waxaan halkan u joognaa inaan sharciga fullino, dadkan gaadiidka wada waa dhalinyaro aan wax badan sharciga ka garanayn, laakin waan baraynaa iminkana si hagaagsan bay howshu inoogu socotaa” ayuu yidhi Taliyaha o intaas raaciyay in dhawaan maamulka gobalka Benadir uu keenay qalab loogu tala galay kala hagista Gaadiidka oo ay Taraafikadu isticmaalayso kaasina uu wax badan kusoo kordhiyay howlaha ay iminka iyagu wadaan.

Sidoo kale taliyaha Ciidamada Taraafikada ee Muqidsho Col. Cali Gaab ayaa wuxuu ii sheegay in sharci adag ay kusoo rogeen Wadooyinka “ninkii khalad gala waan xireynaa” ayuuna hadalkiisa sii raaciyay isagoo kor u qaylinaya markaasi uu hadlayana gacanta u taagaya askarta oo tusinaya Gaadiid si khaldan wadada u maraysa si ay usoo qabtaan oo darawaladoodana u ciqaabaan.

Runtii howlahan marka aad si aad ah u eegto oo aad u dhex gasho waxaad arkaysaa dardar galin xoogan oo ay Ciidamada Taraafikadu ku wadaan shaqooyinkooda, waxayna tani imaanaysaa iyadoo si isla mid ah ay maamulka gobalka Benadir, hey’adaha kale ee dowladda iyo hey’ado aan dowladda ahayn oo Soomaali iyo shisheeyba isugu jira u wadaan howlo dib u dhis iyo qurxinta Wadooyinka iyo dhismooyinka magalada Muqdisho ah taasi oo wax badan ka badalaysa muuqaalka magalada oo muddo ahaa mid aanay naftu ku qancayn oo cabsi iyo walwal galinaya qofka ay waqti dheer aragtida magaaladu ugu dambeysay ee mar qura inta yimaada sidaa u eega.

Ugu dambeyntii Shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku sugan ayaa aad usoo dhawaynaya arimahan soconaya ee horumarka ah oo wax badan kusoo biirin doona dadaalada kale ee dalka oo dhan lagu hagaajinayo si looga baxo waqti dheer oo dhibaato aan yarayn ay ina soo heysatay.

Shabakadda waxay soo bandhigi doontaa oo ay aqristayaasheeda Sharafta leh dhawaan usoo diyaarinaysaa barnaamijyo tixane ah oo isbedelada ka jira magalada guud ahaan iyo dhaq-dhaqaaqyada isugu jira dib u dhiska iyo horumarinta ee ka soconaya 16-ka degmo ee ay Muqdisho ka koobantahay oo aan degmo kastaba mar si gaar ah uga soo hadli doonno sawiro iyo qoraalo faah-faahsanna kasoo diyaarin doono si ay dadku uga bogtaan waxa soconaya

Mogadishu-Somalia 

 

xarumo ganacsi oo wadooyinka ku yaala

Xarumo ganacsi oo wadooyinka ku yaala

DUGSIGII SARE EE AL-MACMUUR EE WADADA MAKA-ALMUKARAMA OO FURMAY

DUGSIGII SARE EE AL-MACMUUR EE WADADA MAKA-ALMUKARAMA OO FURMAY

TARAAFIKADA WADOOYINKA MUQDISHO

KM4 OO TARAAFIKADA IYO DADWEYNAHA IYO GAADIIDKUBA SI HAGAAGSAN ISKU DHEX QAADAYAAN

KM4 OO TARAAFIKADA IYO DADWEYNAHA IYO GAADIIDKUBA SI HAGAAGSAN ISKU DHEX QAADAYAAN

TALIYE CALI GAAB OO JEEBADDA DADKA LAGU XIRO ULA CARARAY DARAWAL QALAD SHARCIGA MARISTA WADOOYINKA KA GALAY

TALIYE CALI GAAB OO JEEBADDA DADKA LAGU XIRO ULA CARARAY DARAWAL QALAD SHARCIGA MARISTA WADOOYINKA KA GALAY

TALIYAHA OO SII HADLAYA

TALIYAHA TARAAFIKADA CALI GAAB OO U WARAMAYA QARANIMO ONLINE

CIIDAMADA TARAAFIKADA IYO TALIYAHOODA OO SHAQOOYIN CULUS WADA

CIIDAMADA TARAAFIKADA IYO TALIYAHOODA OO SHAQOOYIN CULUS WADA

ASKARIGA OO INOO SHEEKEYNAYA

ASKARIGA OO U WARAMAYA QARANIMO ONLINE

ASKARI TARAAFIKO AH OO HOWSHIISA GUDANAYA

ASKARI TARAAFIKO AH OO HOWSHIISA GUDANAYA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s