War-murtiyeed Si Wada Jir Ay Usoo Saareen Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya Iyo Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Oo Digniin Loogu Jeediyey

War-murtiyeed Si Wada Jir Ay Usoo Saareen Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya Iyo Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Oo Digniin Loogu Jeediyey iyo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil “…Hadda Dastuurka Waxaa La Wareegay Gudiga Khubaradda, Waxayna Ku Sameynayaan Daraasad… Hawsha Loo Direy Gudiga Dastuurka Madaxa Bannaan Wuxuu Ahaa Inuu Soo Diyaariyo Qabyo Qoraal, Wuuna Soogudbiyey…” wareysi

Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka FKMG Soomaaliya (PCC) iyo Gudiga Madaxa Bannaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka (IFCC) oo todobaadkii aynu ka soogudubney shir kula lahaa Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha federaalka DKMG Md. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Xubno ka socda xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisul wasaaraha, UNPOS, UNDP, IIDA, COSPEN, xubno ka socdey xafiiska gudoomiyihii xilka ay ka qaadeen 283-da xildhibaan ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maamul goboleedyada Putland iyo Galmudug, ururka Ahlu Sunna waljameeca, Ururadda Bulshada koofurta soomaaliya iyo gudi cusub oo ay dhowaan magacawdey xukuumadda soomaaliya ayaa waxay 11/01/2012 Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti ka soo saareen war-mutiyeed xambaarsan lix qodob.

War-murtiyeedkan ayaa yimid kadib markii ay sheki weyn ka muujiyeen Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo Gudiga Madaxa Bannaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka (IFCC) hanaanka loo soo agaasimay shirka iyo qaybaha lagu martiqaadey, islamarkaana ay ula muuqatey in la marin habaabinayo hawlaha gudiyadan baarlamaanka (PCC) iyo gudiga madaxa bannaan ee (IFCC).

Qodobada war-mutiyeedkooda ay ku xuseen waxaa ka mid ahaa, in lagu dhaqmo Axdiga iyo shuruucda dalka, cid walbana lagu dhowro awoodaha Axdiga iyo shuruucda dalka uu siiyey oo aysan cidina awoodeeda ku xad-gudbin, shaqada muhiimka ah ee ka socota dalka sida (Road Map-ka) ee arrimaha Amaanka, Dastuurka, Dibu-habeynta Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxduna si wada jir ah looga shaqeeyo, lana waafajiyo Axdiga iyo shuruucda dalka si looga fogaado khilaaf dhibaato keena”. Ayey war-murtiyeedkooda ku yiraahdeen.

Gudiyada PCC iyo IFCC, Waxay kale war-murtiyeedkooda si gaar ah ugu tilmaameen “in dastuurku yahay shaqooyinka muhiimka ah, labada gudi ee PCC iyo IFCC-na, ay diyaar u yihiin meel marinta shaqada dastuurka iyo arrimaha federaalka, ayna raacayaan awoodaha axdigu siiyey”.

Ugu dambeyn Labada gudi waxay war-murtiyeedkooda digniin ugu soo jeediyeen cid kasta oo Axdiga iyo Shuruucda dalka baal marta, in ay hor-istaagayso geedi socodka arrimaha muhiimka ah, ayna qaadayaan cawaaqib xumada ka dhalata, ayey ku yiraahdeen war-mutiyeedkooda

(War-mutiyeedkii oo dhameystiran halkaan ka akh-riso)

Intii uu socdey shirka ayaa waxaa khilaaf kala arragti duwanaansho dhinaca dastuurka soo kala dhex-galey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKMG iyo labada Gudi PCC iyo IFCC, kadib markii xubno khubaro ah oo ka kooban 9-xubnood oo ay dhowaan magacawdey xukuumadda soomaaliya, islamarkaana aan haysan ogolaanshaha baarlamaanka oo la doonayey in lagu wareejiyo xilka qabyo qoraalka dastuurka, taasoo labadii gudi ee baarlamanka iyo kii qabyo qoraalka dastuurka ay kala hortageen diidmo qayaxan, waxayna si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan arragtidooda ku aadan nidaamkii ay ku yimaadeen dalka jabuuti iyo sida jaatarka TFG uu dhigayey.

(Qoraalka oo ka kooban seddax bogg halkaan ka akh-riso)

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa hoolka shirarka ka socdey waxay ku qaybiyeen qoraal uu ku sixiixan yahay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka soomaaliya, Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe), qoraalkaasoo lagu sharxayey qodobada shirkii garoowe iyo arrimo kale oo aad xasaasi u ah.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil “…Hadda Dastuurka Waxaa La Wareegay Gudiga Khubaradda, Waxayna Ku Sameynayaan Daraasad…”

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo wareysi gaar ah SomaliTalk siiyey ayaa waxaa uu qeexay sababaha uu u yimid dalka jabuuti, khilaafka Baarlamaanka, sida ay isugalayaan gudi khubaro oo ay dhowaan xukuumada magacowdey iyo gudigii madaxa bannaanaa ee qorayaasha qabyo qoraalka Dastuurka iyo arrimaha federaalka, sidey isu qabanayaan qodobadii garoowe ka soobaxay iyo jaatarka TFG-du ay ku dhaqanto iyo arrimo kale oo muhiim ah, ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaas waxaa uu yiri

(Wareysiga halkaan ka dhegeyso)- mp3

“sababta aan Jabuuti u nimid waxay ahayd, inaan sameyno aqoon is-weydaarsi ay wada sameynayaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee wadanka dhan iyo khubaro aduunka ka kala timid oo lagu casuumay, inay dastuurka munaaqaasho nala galaan, khubaradan waxay ka soo shaqeeyeen wadamo fara badan dastuurkooda…”.

Waxaan kaloo wax ka weydiinay soomaaliya waxay leedahay dastuur lixdankii la sameeyey oo uu kacaankii laalay, maxaa diidaya in dastuurkii lixdankii qodobada cusub ee xiligan dalka soomaaliya ka hawl galikara iyo kuwii hore u degsanaa in la isku kabo? Wasiirka isagoo ka jawaabaya waxaa uu yiri

“walaalloow wax noodiidayo ma jiro, hadana wax caadi ah waaye, Ummadaha soomara dagaalada sokeeye, inay dib u eegaan dastuurkoodii oo mid cusub qortaan ama kii hore iyo kuwo kaleeto isku dhexdaraan, had iyo goorna dastuur waligiis meel iska yaalayo oo iska jiraayo ma lahan, badanaa wadamada soo koraaya ee dunida seddaxaad kuma yara hawlahaan oo kale…

“…markaa gudiga khubarada ayaa gacanta kula jirta, Ummadda soomaaliyeed wadatashi ayey la sameynayaan, haddii ay isla gartaan in dastuurkii hore ee jiray inta la sooqaado oo kan hadda la sameeyey waxyaalo ka mid ah lagu kabana wax mac-quul ah waaye, dastuur kale oo waxaa jira 1990-kii la sameeyey oo asagana aad u fiican, isna wax baa laga qaadankaraa oo lagu darikaraa, laakiin mid u taalo ma ahan wasaaradda inay tiraahdo kan hala qaato, Ummaddu waa inay munaaqasho galaan, gorgortan galaan, wixii ka soobaxa markaas, gudiga khubarada ah, iyagaa aruurin doona, markaasna daraafti ku sameynkaraan”.

Mar aan weydiiyey su’aal ahayd, Gudiga khubarada ee aad hadda addigu sheegtay, hore waxaa u jirey gudigii dastuurka, marka sidey isugalayaan labadaasi gudi?, ayaa wuxuu ku jawaabey

“…Hadda dastuurka waxaa la wareegay Gudiga Khubaradda, waxayna ku sameynayaan daraasad, waxa khaldan ka tirayaan, wixii loo baahan yahayna ku darayaan, wadatashigii Ummadda la sameeyeena ay aaraa’ada ka soo uruuriyaan ay ku darayaan dastuurka, marka ugu dambeysana, iyagaa soo sameyn doona dastuurkii ugu dambeeyey, markii ay soo sameeyaana, waxay dib ugu soocelin doonaan, gudiga dastuurka madax-bannaan, gudigaas dastuurka madaxa bannaana, dib wuxuu u eegayaa dastuurkii, isagoo fiirinaya in uu waafaqsan yahay Axdiga iyo in kale, haddii uu waafaqsan yahay, wuxuu u gudbinayaa golihii ansixinta, haddii uusan waafaqsaneyn, wuxuu sameynayaa isagoo la kaashanaya khubaro inuu waafajiyo Axdiga”.

Markii aan weydiinay Gudigaan khubarada ah goormaa la magacaabay?.

wasiirku waxaa uu ku jawaabay sidan “waxaa la magacaabay September sannadkan”

Sidoo kale waxaan weydiinayey wasiir Xoosh, Gudigan khubarada ee la magacaabey September, gudigii hore ee dastuurka madaxa bannaanaa, waxaa uu soomarey nidaam iyo haykal, marka mala dhihikaraa, waa la magacaabey oo hore ayuu ka hawl galay oo nidaam ma soomarin?.

Waxaa uu ku jawaabay “horta sidaad ogtahayba, wixii ka dambeeyey September 6-dii, hawsha aan ku koobanahay waa hawsha Road Map-ka ku jirta, wax-yaabaha aan dooneyno in aan uga gudubno KM-nimada, waa Afar wax oo ah, in la dhameystiro dastuurka, in dibu-heshiisiin dhab ah la galo oo lala galo cid kasta oo dibu-heshiin rabta, xitaa Al-shabaab haday yiraahdaan qoriga waa iska dhigeynaa wadahadal baanu geleynaa, inaan diyaar u noqono inaan la fariisano, sidii loo sameyn lahaa dowlad wanaag iyo in ammniga la sugo, sidaad aragteyba guulo fiican laga gaarey Xamar, Jubooyinka Hiiraan, mar dhowna Baay iyo Bakool haddii alle yiraahdo gacanta soogelidoonaan, marka dastuurkii uu ka mid yahay qaybta ugu weyn oo la qeexay in laga shaqeeyo, ayaa Road Map-ka waxaa ku jirtey in lamagacaabo Gudi khubaro ah oo la wareega dastuurka.. “!!

…gudigaas oo ka kooban soomaali aad cilmi u leh xaga sharciga iyo xaga siyaasadda, xaga bulshada oona isku dhafan qabiil ahaan marka la yiraahdo iyo gobol, ayna ku jiraan seddax dumar ah oo aad mutacalimiin u ah ayaa hadda gacanta ku haya, marka wax is-khilaaf ahna ma jiro, maxaayeelay hawshii loo direy gudiga dastuurka madaxa bannaan wuxuu ahaa inuu soo diyaariyo qabyo qoraal, wuuna soogudbiyey, sidaas ay tahay hawl kale ayaan u sii dhiibney, iyaga iyo gudigii khubarada ahaa, waxay galayaan wadatashigii Ummadda, laakiin barnaamijka waxaa hadda gacanta ku haya gudiga khubarada!”.

Waxaad soo taabatey arrimaha Road Map-ka, hadda waxaa jira khilaaf baarlamaanka dhexdiisa ah oo arrimaha Road map-ka ah, ama qorsho hawleedka xukuumada, isagoon la soomarsiinin Road Map-ka baarlamaanka, ayaa xukuumadu iska sameysatey, xukuumadihii hore ee dalka soomareyna ee KM-rada ahaa iyo kuwii ka horeeyeyba ee dalka waxay ahaayeen kuwo la soomariyo sharciyan baarlamaanka, addiguna waxaad sheegtey in gudigan arrimaha Road Map-ka lagu dhex abuurey haddaba sidey isu qabsanayaan?!

“…heshiiska Kambala baarlamaanka naftigiisa ayaa ansixiyey, hadda dooda meesha ka socota u maleyn maayo in ay taas ku saleysan tahay, annagu naftigeena dastuur baa na keenay, baarlamaan baa na dhaley, dadd baarlamaanka ka soo horjeesan kara ma nihin, laakiin xukuumadu inay noqotaa loo baahan yahay iyo baarlamaankuba dowladnimo mas’uuliyad xambaarsan in la noqdo oo isku meel wax loowado, laakiin markii wax inta la carqaladeeyo, la yiraahdo Jaatarkii baa laga horyimid wax soconaayo runtii ma ahan, khilaafakan hadda waa jiraa, waxaan rajeyneynaa in uu dhamaado mardhow oo siyaasad lagu xaliyo, hal ujeedana aan wada yeelano oo ah Ummaddaan dhibaateysan sidii looga saari lahaa KMG-nimada”.

Waxaan weydiiyey wasiir Cabdiraxmaan, Ma is leedahay khilaafka hadda baarlamaanka ka dhex taagan waxaa u sabab ah, xukuumada ayaa dhibaatada dhan wada, sababtoo ah, Road Map-kan Baarlamaanka lama soomarin ayey qaar ku doodayaan, baarlamaanka dhexdiisa way isku dagaaleen arrimaha Road Map-ka, gduoomiyihii baarlamaanka ayey ku dhegan yihiin oo waa ku kala qaybsan yihiin, markaa miyaan dhalihikarin khaladaadka jira baarlamaanka dhexdiisa xukuumada ayaaba qayb ka ah?

“runta haddii la yiraahdo waa wax wacyiga ka fog waaye, dhibaatada ugu weyn haddaad runta rabtid waxaa waaye, baarlamaanka oo dhan ma ahan, baarlamaanka waxaa ku jira odayaal iyo dumar aad iyo aad xil kasta u ah oo wadankaan rabaan dhibaatada uu ku jiro laga saaro, laakiin baarlamaanka waxaa ku jira qaar aan rabin in la sameeyo dibu-habayn, sidaad ogtahay shirkii garoowe, waxaa ka soo baxay go’aan ah, in baarlamaan cusub oo tayo leh oo 225 ah in la keeno oo kareeteeriyan loo sameeyo, waxyaalaha kale waa ekis kiyuus mii waaye”.

Qodobadii shirkii garoowe waxaa ka mid ahayd, in qabyo qoraalka ay ansixin doonaan ergo 1000 qof ah, laakiin inta aan la gaarin ka hor jaatarka waxaa uu dhigayaa in shacabka soomaaliyeed ay ansixiyaan oo cod looweydiiyo, haddii shacabka soomaaliyeed codkooda uusan soconeyna, in baarlamaanka si KMG ah uu u ansixiyo, haddaba sidey isu qabanayaan qodobadaas garoowe ka soobaxay iyo jaatarkii?!

(Codka Wareysiga Wasiirka oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso)

Wuxuu ku jawaabay “horta jaatarka wuxuu dhigayaa in shacabka uu ansixiyo, sida ugu xalaaleysan oo dastuur lagu sameeyo taas waaye, laakiin runtu waxay tahay, wadamo badan oo adduunka ah, ayaa waxay u ansixiyeen dastuurkii golo ansixin, markii la fiiriyey marxaladii lagu jirey in aysan saamaxeynin!, sidaad ogtahay marxalada wadanka ka jirta nabad-gelyadeeda ma fiicna, marka lama sameynkaro ee laba mid baa lagu sameynkaraa oo ah, inuu baarlamaanka sameeyo ama in gudi ansixin la sameeyo, arrintaas waxaa ka dhacay doodd weyn!.

Maxay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay xasuuqa ay Diyaaradaha Kenya u Gaysanayaan dadka Rayidka ah

“waxaa la fiiriyey meesha ugu xalaal badan in la raadiyo, dibu-habayn ama riferendam baa ugu xalaal ah waa la waayey, kaas kadib markii la fiiriyey wuxuu noqdaa gole ansixin in la sameeyo oo Ummadda soomaaliyeed oo dhan ay ka timaado oona fara badan, kan kusii xiga kaleeto wuxuu noqonayaa Baarlamaanka, marka kii dhexda ayaan qaadanay, marka hore waxaan rabney inaan ka dhigno 3000 oo qofood inay isku yimaadaan, taas naftigeeda nabad-gelyadii iyo dhaqaalihii intaas oo dhan baan saamaxeynin, marka 1000 baa la gartey inay Ummadda oo dhan ka yimaadaan, laguna qaybsado 4.5, maadaama formale kale jirin, boqolkiiba sodona ay noqdaan dumar”.

Waa sida aad sheegayso qodobadii shirkii garoowe ka soobaxay, soomaaliya mudo badan ayaa waxyaabo si kale ku yimaada oo aan sharci ahayn, 21 sanno ayaa lagu wadey oo dowladii hore 21 sanno dalka xukumeysay lagu eedeeyey, tan hadda jirta waxay ka dhalatey waxyaabo aan sharci ahayn oo isagoo madaxweyne jira ayaa la casiley, ra’iisul wasaare ayaa jirey oo is casiley, hadaba xili kasta xukuumadihii burburka, marka xiligooda uu soodhawaado, waxaa la sameeyaa wax aan sharci ahayn maxaa diidaya in baarlamaanku uu xiligiisa dhameysto, xukuumaduna xiligeeda dhameysato maadaama heshiiskii Kambala hal sanno loogu daray oo gudiyadii iyo dhamaan in sidooda u shaqeeyaan, kadib xiligooda marka la gaaro ay shaqadii wareejiso dowladda?!

“walaalloow haddii ay sidaas ku socon lahayd waa fiicnaan lahayd, laakiin anniga maba rabo in aan ku dheeraado, baarlamaanku waa hay’addii ugu weyneyd ee dastuuriga ahayd shaqo ayaa u taal, inaan annagu faragelino maloobaahno, waxaa nahay hay’addii fulinta, annaguna mida nootaal waa inaan ka shaqeynaa, mida nootaalna gacanta ayaan kula jirnaa, dastuur haddey noqoto halkii nalaga rabey waa soowada sameynay oo waa dhameynay, dibu-heshiisiin haday noqoto faraha ayaan kula jirnaa, tii ahayd nabada sugideeda faraha ayaan kula jirnaa, markaa hay’adda Baarlamaanka, iyada ayey u taalaa hawlaha ay qabaneyso, ummadda soomaaliyeedna dan uguma jirto in la isku qab qabb qabsado baarlamaanka dhexdiisa, maxaayeelay sidaad u sheegtay hawlo badan ayaa noo yaala, annaga teena ayaan ka soobaxeynaa, iyaguna tooda haka soobaxaan”.

Dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. 
fatxumaalik@hotmail.com

  • Xildhibaan Cawed Axmed Cashara  “Halkan (Toronto) markii ay noogu yimaadeen Wasiirka (Dastuurka) iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa la weydiiyey su’aal ku saabsan badda, ra’iisul Wasaarahu wuxuu ku jawaabey sida websiteka SomaliTalk in aanan sax ahayn ayuu ku jawaabey, dabeedna waxa uu yiri wasiirkayga ayaa ka jawaabaya, wasiirkiisu wuxuu ku jawaabey arrintaas 12 nautical miles ayaan leenahay oo aynaan waxba ka qaban karin, marka waxaa muuqata nin aan danaynayn 200 nautical miles iyo wixii kasii badan oo aynu xaq u leenahay in wax kala soo baxno.” Ka akhri Difaaca Badda

 | Dec 16, 2012

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s